“Somaliland Ayaa Guulaysatay, Aniguna Ma Guul-Dareysan Ee Waan Guuleystay..” Musharax Aadan Daa,uud. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Ayaa Guulaysatay, Aniguna Ma Guul-Dareysan Ee Waan Guuleystay..” Musharax Aadan Daa,uud.
June 6, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharax Aadan Daa,uud Axmed oo kamid ahaa musharixiintii utartamay golaha wakiilada gobolka maroodi jeex kana sharaxnaa xisbiga Ucid balse aan nasiib uhelin in uu kamid noqdo xildhibaanada kusoo baxay golaha wakiilada ayaa ka dareen celiyay sida ay udhacday doorashadu iyo dadaal ay hadh iyo habeen labarbartaagnaayeen taageerayaashiisu.

Aayaa qoraal uu kaga hadlay doorashada iyo dadaalka ay muujiyeen wuxu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa wuxuna udhignaa sidan;

SOMALILAND AYAA GUULAYSATAY, Aniguna  Ma Guul-Dareysan ee Waan Guuleystay…..

Ugu horayn mahad oo dhan Alle korreeye ayay u sugnaatay innagu arsaaqay nabad iyo xasilooni an ku hirgallino doorashooyin iyo tartan. Waxan u mahad cellinayaa shacbi waynaha JSL oo muujiyay ilbaxnnimo dimoqraadiyadeed intii ay socotay doorashadii taariikhiga ahayd. Waxan u mahad cellinayaa madaxwaynaha JSL iyo xukuumadiisa oo hirgalliyay doorasho 70% lacagta ku baxday laga bixiyay cashuurta muwaadininiinta. Waxan u mahad cellinayaa laamaha ammaanka dalka oo u gutay shaqadoodii si hufan. Waxa kale oo an boggaadinayaa KDQ oo u hormood u yahay Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac oo qabtay doorasho soo jiidatay indhaha caalamka, musharraxiintana ugu garnaqay si cadaaladda.

Ugu danbayn; waxan si kal iyo laaba ugu mahad cellinayaa taageerayaashaydii halganka ila soo galay dal iyo dibedba, si gaara kuwii safafka dhaadheer u galay in ay codkooda isiiyaan, si an u rumeeyo himiladayda ah hellista Baarlamaan si dhaba u metela shacabkii soo doortay. Waxan xusayaa in aad tihiin halgamayaal dadaal u ah isbadal dhallinyaro hormood ka tahay oo an dalka ka dhaqan gallino, kaasi oo an sii wadi doono. Waxa iga go’an buuxinta kaalmo badan oo kale oo qaranka ka banaan, iyo sii wadida arrimaha bini’aadantinimada oo 20-kii sanno ee u danbeeyay ka shaqaynayay, sidoo kale waxaan garabkooga ahaan doono saaxiibadayda guulaystay.

Tixgallin,

Ex Musharax Adam Da’ud Axmed.

 

COMMENTS
LINKS