Siyaasada Dawladda Maraykanka Iyo Qorshaha Cusub Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasada Dawladda Maraykanka Iyo Qorshaha Cusub Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi!!
June 21, 2021 - Written by Editor:

Siyaasadda Somaliland muddo dheer waxay ku tiirsanayd Dawladdaha Ingiriiska iyo Itoobiya, hasa yeeshee mudadii uu Xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi, xidhiidhkii siyaasadeed Iyo wada shaqayntii Somaliland la lahayd Dawladaha Ingiriiska Iyo Itoobiya wuu soo yaraanaayay, waxanu gaadhay heer aad u Hooseeya, taas oo mararka qaarkood gaadhay in uu istaago,

Dadka Siyaasada ka faallooda, waxay sheegeen in sababta keentay in uu xumaado Xidhiidhka Dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya ay tahay is faham waa ka yimid dhinaca Xukumada Muuse Biixi, taasina ay keentay in uu yaraado wada shaqantii labada dhinac.

Dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa doonaaya in Isbedel Siyaasadeed ku yimaado  Hogaanka sare ee Somaliland, marka la gaadho sanadka dambe oo ay ku eegtahay mudo xileedka Xukumada, maadama oo ay adkaatay in ay la shaqeeyaan Madaxweyne Muuse Biixi

Isbedelka siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika ayaa keenay in Ay ku loolamaan dawlado badan, kuwaas oo kala wata dano iyo Ujeedooyin iyaga u gaar ah, waxaana ugu wayn arrimaha Dhaqaalaha,Siyaasada iyo Milateriga

Madaxweyne Muuse Biixi,oo haatan jooga meel cidlo ah, isla Markaana aan haysan taageerada Dawladaha Ingiriiska,Itoobiya Iyo Imaaraatka Carabta ayaa raba in uu keeno shax siyaasadeed Oo cusub, taas oo ah in uu xidhiidh siyaasadeed la samaysto Dawlada Maraykanka isla markaana Gollihiisa wasiirada uu ku Soo daro Siyaasiyiin Miisaan leh,kuwaas oo haysta Dhalashada Dalka Maraykanka, xidhiidh wada shaqayneed oo fiicana la leh Xisbiga haya talada Dalka Maraykanka

Raga Madaxweyne Muuse Biixi miiska u saaran ee haysta Dhalashada Dalka Maraykanka waxa ka mid ah.

Axmed Ismaaciil Samatar oo la sheegay in laga dhigi doono Wasiirka Arrimaha Dibeda,

Jamaal Cali Xuseen

Oo loo magacaabi doono Wasiirka Maaliyada,

Prof. Ismael Mohamoud Hurreh  (Buubaa) oo laga dhigi doono Wasiirka Waxbarashada,

Waxa kale oo la filayaa shaqsiyaad kale oo haysta Dhalashada Dalka Maraykanka in lagu soo daro liiska Cusub ee dhawaan la Filaayo in uu Madaxweyne Muuse Biixi, soo magacaabo .

La soco Qaybta 2aad

Qalinkii: Jamaal Ibraahin Maxamed ( Jamal Gobonimo)

 

COMMENTS
LINKS