Sheekho;”Waar Cigaalow Xageed U Carartay Waa Bakayle”Jamaal Cali Xuseen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekho;”Waar Cigaalow Xageed U Carartay Waa Bakayle”Jamaal Cali Xuseen.
June 11, 2021 - Written by Editor:

Ninkii Cigaal Shidaad la odhan jiray baa loo yimid oo lagu yidhi waar ina keen dad iyo duunyaba Libaax halkeer joogga ayaa madhiyaye ina mari aad colka raacdide. Cigaal Shiilaad baa tafo xaytayoo warankiisii soo qaatay.

Iyagoo socdaalkii Libaaxa lagu raadinayey ku dhex jira ayaa uu Bakayle meel hortiisa ah ka boodayaa. Ninkii Cigaal Shiilaad baa dib u cararaya. Kolkaasay raggii ku odhanayaan ” Waar Cigaalow xageed u carartay waa Bakayle” kolkaasuu Cigaal Shidaad odhanayaa ” Warankii Bakaylaha dilayey ayaan doonanaya.” Kolkaasay intay raggii Qoslaan odhanayaan ” Oo sowtaynu u soconay inaynu Libaax soo dilno”.

 

COMMENTS
LINKS