Raysal-wasaaraha Soomaliya Oo Gudi Baadha Usaaray Cabashada Waalidiin Caruurtoodii Tababar Loo Geeyay Dalka Eritrea. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Soomaliya Oo Gudi Baadha Usaaray Cabashada Waalidiin Caruurtoodii Tababar Loo Geeyay Dalka Eritrea.
June 12, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baadha cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

Guddiga oo ka kooban Shan Xubnood ayaa waxaa ay Shaqadooda noqoneysaa inay baritaan dhab ah ku sameeyaan cabshada ay qabaan Waalidiinta Soomaaliyeed ee Carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Ereteriya, kuwaas oo sheegay inay soo gartay in Carruurtooda laga dagaal geliyay dalka Itoobiya.

Shanka Xubnood ee Guddiga ayaa waxaa ay ka kooban yihiin laba Wasiir, Hal Safiir, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka & Afhayeenka Xukuumadda, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1;Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga XFS Guddoomiye

2-Mukhtaar Xuseen Afrax Wasiirka Arrrimaah Gudaha Xubin

3-Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac llkajiir Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Xubin

4-Gen. Odawaa Yuusuf Raage- Taliyaha Xoogga Dalka Xubin

5-Maxamed lbraahim Macallimuu Afhayeenka

COMMENTS
LINKS