Prof Ibrahim Meecaad Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday Iyo Waxyaabaha Sobobay Guuldarada Xukuumada Madaxwayne Biixi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Ibrahim Meecaad Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday Iyo Waxyaabaha Sobobay Guuldarada Xukuumada Madaxwayne Biixi!
June 7, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo kamid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Canada kana mid ahaa saraakiishii hormuudka ka Ahayd halgankii dib ulasoo noqoshada madax banaanida Somaliland ee SNM Ayaa ka hadlay doorashooyinka isku Sidkan ee wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka dhacday 31may isagoo xukuumada iyo xisbiyada iyo shacabka reer Somaliland ku bogaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay uga wada qayb qaateen.

Sidoo kale Prof Ibraahim meecaad ayaa ka hadlay sida ay xisbiyada mucaaridku guulaha uga gaadheen doorashada golaha wakiilada iyo deeganka oo ay heleen kuraasida ugu badan ee golaha wakiilada iyo golaha deeganka

Dhanka kale Prof meecaad ayaa guuldarada xukuumada madaxwayne biixi kazoo gaadhay xisbiga madaxwayne oo uu sheegay in ay sobob utahay xukuumadiisa oo ah mid One man show ah islamarkaana lumisay kalsoonidii shacabka isagoo xisbiyada mucaaridka ugu baaqay in Aanay guusha ay gaadheen uga faa,iidaysan qiil Qabanimo, balse looga fadhiyo in ay noqdaan kuwo ka faa,iideeye maslaxada guud ee Somaliland iyagoon oo aan caqabadaynay arimaha masiiriga ee jamhuuriyada Somaliland.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS