Natiijada Gobolka Maroodi Jeex Oon Ilaa Hada Aan Lagu Dhawaaqin Iyo Saadaasha Sida Lafilayo In Ay Xisbiyadu Ukala Helaan Kuraasida Wakiilada Iyo Deegaanka Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijada Gobolka Maroodi Jeex Oon Ilaa Hada Aan Lagu Dhawaaqin Iyo Saadaasha Sida Lafilayo In Ay Xisbiyadu Ukala Helaan Kuraasida Wakiilada Iyo Deegaanka Hargaysa
June 5, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Komishanka doorashooyinka Somaliland  ayaa Ilaa hada ku dhawaaqin natiijada hordhaca ah ee gobolka Maroodi jeex wakiilada iyo golaha deegaanka degmada Hargaysa.

Wararka laga helayo komishanka oo ilaa xalay bulshada udhagtaagaysa wakhtiga ay ku dhawaaqayaan ayaa sheegaya in la dhameeyay tirade codadka gobolka maroodi jeex iyo degmada hargaysa islamarkaana lagu wado saacadaha soo socda in ay ku dhawaaqaan natiijada hordhaca dhaca ah ee wakiilada iyo deegaanka

Gobolka maroodi jeex ayaa ah gobolka ugu kuraasida badan wakiilada iyo deegaanka kuraasida wakiilada ayaa ah 20kursi halka golaha eegaanka hargaysina yahay 17kursi

Hadaba xogaha laga helayo tartanaka xisbiyada wadani kulmiye iyo ucid oo xoog ugu hirdamay gobolka dalka ugu codka badan ayaa sheegaya in ay aad iskugu dhow yihiin kuraasida ay kala heleen ee golaha wakiilada iyo deegaanka

Sida ay falaqan qeeyeen dadka ka faalooda arimaha siyaasda islamarkaana sidhow ula socday doorashdii dalka ka dhacay iyo sida xisbiyada wadani ,kulmiye iyo Ucid ugu kala awood badnaayeen musharixiinta ay soo xusheen ayaa Saadilayay in kuraasida baarlamanka uu kuwa ugu badan ku guulaysanayo kulmiye hala uu xisbiga wadani kaalin labaad galidoona xisbiga ucidan kaalinta sedexaad

Halka golaha deegaanka degmada hargaysa ay aad iskugu soo dhawaanayaan sedexda xisbiga kuraasida ay kala haleyaan golaha deegaanka

Wallow aanu wali komishanka doorashooyinku ku dhawaaqi natiijada hordhaca ah isago ah oo ah haayada awooda uleh in ay shaaciso natiijo la xidhiidha doorashada iyo sida loogu kala guulaystay hadaba saadaasha sida ay xsbiyada ugu kala guulaysanayaa kuraasida baarlamanka iyo degmada hargaysa ayaa sidan sii saadaaliyay

Xisbiga Ucid  ayaa lagu wadaa in uu kuraasida golaha wakiilada ka helo doono 4 ilaa 5xilhdibaan

Xisbiga kulmiye ayaa lagu wadaa kuraasida baarlamaanka gobolka maroodi jeex in uu ka helo 9 xildhibaan

Xisbiga wadani ayaa lagu wadaa In Uu kuraasida baarlamaanka gobolka maroodi jeex ka helo 6 Xildhibaan .

Sidoo kale kuraasida golaha deegaanka degmada hargaysa oo ka kooban 17kursi ayaa saadaliyay in xsedexda xisbi aad iskugu dhawaan doonaan kuraasida ay kala helaan iyadoo uu mucaaridku marka laysku daro uu helo doono aqlabiyada golaha deegaanka degmada hargaysa

UCID GOLAHA DEEGANKA 4 XILDHIBAAN

KULMIYE 8 XILDHIBAAN

WADANI 5 XILDHIBAAN

Sikasto oo ay tahay waxaynu ka war sugu doonaa Natiijada Hordhaca ah ee ay shaaciyaan komishanka doorashooyinka oo lau wado saacadaha soo socda in ay ku dhawaaqaan,

Wajaalenews Desk

Hargeisa Office.

COMMENTS
LINKS