|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Soo Gabo Gabaysay Dhagaysiga Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Hordhaca Ahayd Ee Golaha Wakiillada!
June 28, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi oo ay caawinayeen kaaliyayaasha kala ah Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku soo gabagabaysay dhagaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL, Sida qorshaha dhagaysiga dacwadaha maantu ahaa, waxa maxkamadda u qorshaysnaa dhagaysiga 9 dacwadood hase ahaatee waxa gunnaanadkii dhagaysiga dacwadaha soo xaadiri waayay hal murashax iyo qareenadiisii, taasi oo ka dhigaysa tirada la dhagaystay maanta 8 dacwadood, oo marka loo geeyo 14-kii dacwadood ee ay hore maxkamaddu u dhagaysatay noqonaya 22 dacwadood. Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhagaysatay dhammaan dacwadaha ayaa u furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhagaystaan, sidoo kale dhagaysigii maanta waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo maxaliga ahaa. Iyadoo maxkamaddu u eegaysa dacwadaha ay dhagaysatay xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala, waxay sida ugu dhakhsaha badan ku soo saari doontaa go’aan kama dambayn ah, si loogu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada JSL. Allaa mahad leh. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|