|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyey 44-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen
June 27, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegnayd Xuska sannad guurada 44-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegnayd Maanta oo Axad ah, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 44-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL
Related posts:Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Xarunta Danbi Baadhista Ku Booqday Suxufiyiin Ku Xidhay, Kana Hadlay Xaa... Daawo:Siyaasi Xamarji Oo Ka Jawaabay Warar Sheegaya In Uu Iska Casilay Xisbiga Wadani Kuna Tilmaamay... Kusimaha Xoghayaha Difaaca Ee Dalka Maraykanka Oo Booqasho Aan Hore Loo Shaacin Ku Yimid Muqdisho. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|