Berbera:(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.