|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Ka Qaybgalay Daahfurka Buuga Xogta Qaranka Somaliland.
June 21, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay bandhiga buug ka hadlaya taariikhda faca-weyn ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland kaas oo ay soo bandhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Buuggan oo loogu talo-galay in la gaadhsiiyo daafaha dunida si bulshadda caalamka loo baro taariikhda dalkan Somaliland ayaa waxa muhiimaddiisa ka waramay xubno ka socday golaha wasiiradda islamarkaana soo jeediyay tallooyin dhaxal-gal ah oo buuggan lagu faafinayo.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal ka jeediyay bandhigaasi ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in aan furo buuggan xogta qaranka Somaliland lagu soo ururiyay, buuggan dadaal weyn ayaa loo galay, waana ku hambalyaynayaa wasaaradda arrimaha dibadda inay soo bandhigto buuggan, dhammaanteena waa inoo sharaf, waxaan dhammaan shacbigana la wadaagaynaa in buuggani yahay buugga rasmiga ah ee xogta qaranka Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.
Related posts:UJEEDADA; Kullan Warbaahinta Somaliland Ku Yeelatay Hargeysa Oo Ay Kaga Tashadeen Shirkadda TELESOM... Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Dawlada Hoose Qaarkood Ku Wareejisay Maamulka Waxbarashada Aas Aasiga ... Wasaarada Shaqo Galinta Somaliland Oo Kulan Looga Arinsanayo Arimaha Shaqa Abuurka La Qaadatay Hay’a... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|