“Kulanka Uu Cabdikariim La Kulmay Madaxwaynaha Aniga Waan Taageersanahay, Waayo Maayarnimadiisa Ayaa Ku Xidhnayd”Sheekh Aadansiiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kulanka Uu Cabdikariim La Kulmay Madaxwaynaha Aniga Waan Taageersanahay, Waayo Maayarnimadiisa Ayaa Ku Xidhnayd”Sheekh Aadansiiro.
June 12, 2021 - Written by Editor:

“Cabdikariim Waa Dadka Aynu Doonayno In Aynu Caasimada Ku Midayno Iyo Dalkaba Isaga Iyo Barkhadba”Sheekh Aadansiiro

HARGAYSA(W,N)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray “Aadansiiro” oo kamid ah culimada waawayn ee reer Somaliland badina ka hadla xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka Taagan iyo khaladaadka hogaaminta madaxwayne biixi oo Caawa ka qaybgalay munaasibad Duco iyo taageero ahayd oo Loo qabtay laba xildhibaan ee ugu codka badan gobolka maroodi jeex barkhad batuun iyo xildhibaan cabdikariim axmed mooge oo ugu cod badan golaha deegaanka degmada hargaysa ayaa soo dhaweeyay kacdoonka shacab ee ay horseedeen labadan nin oo uu sheegay in mudan tahay in la barbar istaago.

Sidoo kale sheikh aadansiiro ayaa ka hadlay kulankii uu cabdikariim axmed mooge la qaatay madaxwayne biixi oo uu soo dhaweeyay maadama ay ku xidhan tahay maayarnimadiisu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS