Itoobiya Oo Beenisay Iney Duqeyn Ku Laayeen Dad Shacab Ah Oo Sugnaa Waqooyiga Gobolka Tigreey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Beenisay Iney Duqeyn Ku Laayeen Dad Shacab Ah Oo Sugnaa Waqooyiga Gobolka Tigreey!
June 25, 2021 - Written by Editor:

ADIS ABABA(WN)-Militariga dowladda Itoobiya ayaa beeniyay Iney duqeyn dhinaca cirka aha ay ku Dileen dad ku sugnaa Suuq Weyn oo ku yaala gobolka Tigray, islamarkaana Waxay sheegay Iney badhtilmaameedsadeen dagaalayahanada Mucaaridka oo Dhar shacab ah xidhnaa.

Afhayeenka ciidamada difaaca qaranka Dawlada Itoobiya Kornel Getnet Adane ayaa warbaahinta u sheegay ineysan jirin dad shacab ah oo duqeyn lagu dilay, balse uu sheegay iney dileen dagaalyahano uu sheegay iney ku sugnayeen magaalada lagu magacaabo Togoga kuwaasi oo uu sheegay iney xidhnayeen dharka shacab.

Maalintii salaasadii ayay aheyd markii la sheegay duqeymo dhinaca cirka ah oo aay geysteen diyaaradaha dowlada Itoobiya iney ku dhinteen ugu yaraan 43 ruux oo ku sugnaa goob Suuq ah, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dhaqaatiirta Caafimaadka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta cirka ah lala beegsaday Suuq weyn oo ku yaala Galbeedka magaalada Mekelle ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Duqeyntan ayaa imaaneysa xili la sheegay iney dib usoo cusboonadeen dagaaladii u dhaxeeyay Militariga dalka Itoobiya iyo Falaagada TPLF.

 

COMMENTS
LINKS