Hudheel Hargeisa Ku Yaala Oo U Dabaal-Degay Munaasibadda 44 Guurada Xornimada Dalka Djibouti! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hudheel Hargeisa Ku Yaala Oo U Dabaal-Degay Munaasibadda 44 Guurada Xornimada Dalka Djibouti!
June 28, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Hudheelka Lake Asal Ee Magaalada Hargeysa Ayaa u dabaal degay munaasibadda xornimada dalka Djibouti Oo ku beegan sannad guuraddii 44-aad ee dalkaasi markii uu Xornimadiisa ka qaatay dalka Faransiiska sannadkii 1977-kii.

Hudheelka ayaa gudihiisa ku xardhay callamadda dalka Djibouti, Uuna Ka Babanayay calanka jamhuuriyada Somaliland oo isna Dalkiisa looga dabaal degay 61 guuradii kazoo wareegay Maalintii ay xornimada ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 26juun 1960  isla markaana dadweynaha reer Djibouti u Rajeeyey bash bash I yo barwaaqo inuu ku gaadho sannadka Sannadkiisa.

Sidoo kalena u rajeeyey madaxweynaha Djibouti cimri dherer Iyo caafimaad.

Hudheelkani Lake Assal oo sannad walba u dabaal dega Xornimada dalka Djibouti, isla markaana uu leeyahay muwaadin Reer Djibouti ah, sidoo kalena ah reer Somaliland waxa loogu Magac daray xarunta dalxiiska ee laga soo saaro milixda oo ku Taala xeebta waqooyi ee dalka Djibouti oo la yidhaahdo Lake Assal.

Hudheelkani ayaa kor u qaaday magaca iyo iibgeynta goobaha Dalxiiska ee dalka Djibouti.

Hudheelkani waxa uu bixiyaa adeeg soo jiitay inta badan Dadweynaha reer Somaliland iyo dalxiisayaasha kale ee dunida Ee Somaliland yimaada. Waxa kale uu dhiirigeliyaa in Dalxiisayaal reer Somaliland ah iyo kuwo kale oo caalami ahiba Marka ay arkaan magaciisa Lake Asal inay aad u xiiseeyaan inay Mar uun booqdaan goobtaasi Lake Assal.

Waxa kale oo uu hudheelkani qayb ka qaataa isku xidhka Dhinaca dalxiiska ee labada dal ee Somaliland iyo Djibouti oo Sannadahani dambe xidhiidhkoodu aad u wanaagsanaanayo.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS