Hadalkii Wasiir Qambi Ee Loolanka Shir gudoonka Wakiiladu Ma Wuxuu Ahaa Codsi Cabdirasaaq Khaliif Ku Socda, Mise Wuxuu Ahaa Taag Waaga Xukuumada Ee Aqlabiyada Xildhibaanada?faallo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalkii Wasiir Qambi Ee Loolanka Shir gudoonka Wakiiladu Ma Wuxuu Ahaa Codsi Cabdirasaaq Khaliif Ku Socda, Mise Wuxuu Ahaa Taag Waaga Xukuumada Ee Aqlabiyada Xildhibaanada?faallo.
June 29, 2021 - Written by Editor:

“Hadalkii Wasiir Qambi Ee Loolanka Shir gudoonka Wakiiladu Ma Wuxuu Ahaa Codsi Cabdirasaaq Khaliif Kusocda, Mise Wuxuu Ahaa Taag waaga Xukuumada Ee Aqlabiyada Xildhibaanada?

HARGAYSA(W,N)-Marka loo eego Nuxur ahaan, Sida uu Wasiirku u dhigay, Arinta la Xidhiidhay in uu Mr Cabdirasaaq Khaliif Sameeyo Tanaasul uu Loolanka uga Tanaasulo Oday,Faratoon Waxey aheyd mid Sigaar ah u Shaki galisay Guud Ahaanba Taageerayaasha Xukuumada iyo Xisbi Xaakimka Islamarkaana, hoos uga dhigtey Rajadii ay Ka Qabeen in ay Suurtagal Tahay, in Xubno badan laga Dareersado Xildhibaanada Mucaaridka Si uu Faratoon u helo Aqlabiyad Lagu Meelmariyo Doonista Wakhtigan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu la garab joogto.

Marka Dib loo Tixraaco, Dareenka ka Muuqdey Wasiir Qambi, oo hadalkiisu Xaraarad Badan ku Keenay, Naftiisa, ayaa iyaduna Qeyb ka ah in Niyad jab badani  Ka Dhashey Qaabka uu usoo.Dhigay hadalkan.

Hadalka Wasiir Qambi ayaa Kusoo Beegmay Wax yar uun Kadib, Hadal isaguna Shaki Galiyay Taageerayaasha Mucaaridka oo,isna Mawduucan ku Sahabsanaa kaas oo uu Maalmo ka hor ku Cawdey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid  Faysal Cali Waraabe oo isaguna Sitoos ah ula hadlayay Madaxweyanaha.

Isku soo Wada duub oo, Waxa hadalhaynta Arimihii Loolanka Shir gudoonka Soo dhexgalay labadii maalmood ee u dambeeyay, Xeerkan ay Duuduubka ku ansixiyeen Golaha Guurtidu, ee Furitaanka Ururada Siyaasada Kaas oo laf ahaantiisa Lagu Xidhiidhinayo in uu Dabada ku hayo Cadho Ka kacdey, dhaq dhaqaaqyada Loolanka Shir gudoonka Golaha Wakiilada oo lagu bajinayo Labada Xisbi Mucaarid balse, aanay Wax badani ka suurtoobayn xaalada lagu jiro Geedi Socodka Siyaasadeed ee Wakhti Xaadirkan taagan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

FAALADA WAJAALENEWS

 

COMMENTS
LINKS