Ergayga Qaramada Midoobay Qaabilsan Somaliya Oo Ku Baaqay In Qabsoomida Doorashada Lagu Dhamaystiro Wakhtigeedii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ergayga Qaramada Midoobay Qaabilsan Somaliya Oo Ku Baaqay In Qabsoomida Doorashada Lagu Dhamaystiro Wakhtigeedii
June 25, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Sooomaaliya ayaa Sheegay dhameystirka howlaha doorashada waqtigii loogu talagay in ay tahay mid muhiim ah.

Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM)
The situation in Somalia
Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)

James Swan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu Anadolu, dhameystirka doorashada waqtigii loogu talagalay, in ay mudnaanta u leedahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira dalka, sida Xaaladda bani’aadamnimada.

Wuxuu sheegay in ka badan 20% dadweynaha Soomaaliya in ay wajahayaan baahiyo cunto. Wuxuu sheegay ku dhowaad 6 milyan in ay u baahan yihiin gargaarka bani’aadamnimo.

Hadalka James Swan ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berri ah lagu wado in Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga qaran oo looga arrinsanayo dhameystirka doorashooyinku.

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in ay shirkooda ku dajiyaan jadwal cusub oo arimaha  doorashooyinka ah.

COMMENTS
LINKS