Dowladda Somaaliya Oo War Kasoo Saartay Rasaas Galabta Lagu Furay Madaxwaynihii Hore Xasan Sheekh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Somaaliya Oo War Kasoo Saartay Rasaas Galabta Lagu Furay Madaxwaynihii Hore Xasan Sheekh.
June 2, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay rasaas maanta lagu furay kolanyo gaadiid Ah oo uu la socday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay In guddi u saareen soo baarista dhacdadii maanta lagu rasaaseeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in caddaaladda la horkeeni doono cid walba oo ku lugyeelata dhacdadii Maanta lagu rasaaseeyay gaadiidka galbinaayay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidanka Asluubta ayaa dhowr jeer oo hore bartooda koontarool ku rasaaseeyay gadiid aay saaran yihiin masuuliyiin iyo Oday dhaqameedyo, taaso noqotay mid soo laablaabatay.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlay dhacdadii Galabta lagu rasaaseeyay Xasan Sheekh ayaa sheegay iney aheyd mid aanan ku talagal aheyn oo si kama ah ku dhacday, islamarkaana sheegay inuu ka raali galinaayo arintaasi madaxweynahii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xasan Sheekh oo ku aadan falkii maanta aay ku rasaaseeyeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kolanyadii galbineysay.

COMMENTS
LINKS