|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Qorshaynaysa Inay Saldhigyo Millatari Ka Dhisato Badda Cas
June 3, 2021 - Written by Editor:Addis Ababa(W,N)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, Dina Al-Mufti ayaa waxa uu Shaaciyey inuu dalkiisa ku haminayo inay Saldhigyo Millateri ka dhistaan Badda Cas, balse ma uu Carabaabin dalka ama dalalka Gobalka ee ay Itoobiya Saldhigyada ka dhisan doonaan. Afhayeenka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay dalal kala duwan u muujiyeen Itoobiya rabitaankooda ku aadan Kontoroolka danaha ee Gobalka Badda Cas iyo in laga dhiso Saldhigyo badan oo Milllatari. Waxa uu caddeeyey inuu dalkiisa si dhow u danaynayo arrinkaasi, wuxuuna wax laga walaaco ku tilmaamay xaalladda dhimatay ee ku gedaaman Mandiqadda Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay dhawaan soo bandhigeen Ciiddankooda cusub ee Badda, kuwaasi oo ku hubeysnaa Hubka Mariniska. Ciiddanka Badda Itoobiya waxay hore Saldhig Ciiddanka Badda ku lahaayeen magaalada Masawac ee dalka Eritrea, ka hor inta ayna Eritrea ka xoroobin Ethiopia bishii May ee sannadkii 1991-kii. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|