Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadashay Qaabkii Ay Udhacday Doorashadii Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadashay Qaabkii Ay Udhacday Doorashadii Somaliland.
June 8, 2021 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Wasiirka Dalka Ingiriiska U qaabilsan Afrika James Duddridge,Ayaa ka hadlay doorashadii 31may ka Dhacay jamhuuriyada Somaliland ee wakiilada iyo deegaanka taasi oo wadamada caalamku isha ku Hayeen sida ay uga dhacdo jamhuuriyada Somaliland.

Wasiirka dalka Uk uqaabilsan qaarada Africa ayaa qoraal uu soo saaray dawlada Somaliland iyo shacabkeeda ku hambalyeeyay qaabkii ay u dhaceen Doorashadii Wakiillada iyo deegaanka Somaliland. Isagoo arimahaasi ka hadlaya  Doorasha Somaliland ayuu ku tilmaamay mid guulaysatay oo ka markhaati kacaysa sida ay somaliland ugu heellan tahay nabadda iyo hirgalinta Hanaanka Dimuqraadiyada,

“Qabashada Doorashooyinkaasi waxa ay markhaati u tahay sida Somaliland markasta ugu heellan tahay nabadda iyo Dimuqraadiyada” James Duddridge

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS