Ciidamada TPLF Oo Soo Riday Diyaarad kuwa Dagaalka ah Ee Itoobiya, Lana Wareegay Magaalooyin Cusub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada TPLF Oo Soo Riday Diyaarad kuwa Dagaalka ah Ee Itoobiya, Lana Wareegay Magaalooyin Cusub.
June 24, 2021 - Written by Editor:

Tigray(W,N)-Ciidamada Falaagada TPLF ayaa la sheegay inay la wareegeen xarunta Raadeerada ee la socodka duulimaadyada gobolka Tigray.

Warbaahinta ayaa tabineysa in dagaalka markale qarxay ee u dhaxeeya Millatariga dalka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Ereteria iyo ciidamada Falaagada Tigrayga inuu ka dhashay khasaara badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka ay la wareegeen ciidanka Falaagada ayaa lagu magacaaba Raaya, waxaana la sheegay in halkaasi diyaaradaha dalka Itoobiya duqeymo culus ka geysteen.

Saraakiisha TPLF ayaa sidoo kale sheegatay inay soo rideen diyaarad ay leeyihiin Millatariga dowladda Itobiya taasoo nooceedu yahay C-130 Hecules.

Diyaaradaha Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeyn ka geysteen Suuq ku yaalla magaalada Makelle, waxaana la sheegay iney ku dhinteen dad gaadhaya 43 qof.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidammada TPLF aay qabsadeen Saldhigyo kale oo aay haysteen saacado kooban dabadeedna aay isaga baxeen si aanan loogu duqeynin.

Dagaaladan dib uga billaamay gobolka Tigray ayaa imaanaya xilli gobolkaasi aay ka taagneed xaalad Bani’aadanimo midka ugu daran waxaana mar kale halkaasi dib uga bilaawday barakac xooggan oo ay sameynayaan dadkii ku harsana deegaanada gobolkaasi.

COMMENTS
LINKS