|
|||||
WAJAALE NEWS
30 Guurada Madax-banaanida & Doorashadii Isku-sidkanayd Oo Indhaha Warbaahinta Caalamiga Ah Ku Soo Jeedisay Somaliland!
June 5, 2021 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) – Ka dib markii Somaliland 18-kii bishii May u Dabbaal-degtay 30 guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya, 31-kii isla bisha May-na qabatay qabatay Doorashada Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaannada, ayaa indhaha Caalamku mar keliya Xaggeeda u soo jeedsaday isla-markaana bilaabay inuu wax iska waydiiyo Haykalka Dawladnimo ee Somaliland, dimuqraadiyadda ka jirta iyo doorashooyinkii is-xig-xigay ee ay qabatay. Doorashadii dhacday 31-ka bishii May 2021, ayaa Midowga Yurub, Uk iyo Dawladaha kale oo Afrika ahi u soo direen Goob-joogeyaal Caalamiya oo kormeeray habkii ay u dhacday doorashadaasi oo u tartameen Musharraxiin ku dhow 900, kuwaasi oo ka kala sharraxnaa Xisbiyada WADDANI, UCID iyo Kulmiye, waxayna Goob-joogeyaashu War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen ku muujiyeen siday ula dhaceen habka ay doorashadu u dhacday, iyagoo ku tilmaamay inay ahayd doorasho daah-furan. Intaasi oo keliya maaha, ee Warbaahinta Dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa si weyn wax uga qoray doorashadaasi, iyagoo dhinacyo kala duwan ka eegay doorashada iyo nidaamka Dawladnimo ee Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka haysan Adduunka intiisa kale. Warbaahinta Magaceedu yahay Republicworld.com oo ka mid ah Warbaahinta wax ka qortay doorashadii isku sidkanayd ee ka dhacday Somaliland, ayaa War-bixin dheer oo ay ku qortay waxay Ciwaan uga dhigtay “30 sano ayaa u buuxsamay Somaliland oo ah Gobol ka xoroobay Soomaaliya, waa dimuqraadi aan weli helin Aqoonsi..” Republicworld.com ayaa War-bixinteeda ku tidhi “Somaliland waxay isku dayeysaa inay samaysay Taariikh cusub oo siyaasadeed, iyadoo markii ugu horaysay qabatay doorashada Baarlamaanka tan iyo 2005, doorashadaasi oo ay isku diwaangeliyeen in ka badan 1 Million oo qof, si ay ugu codeeyaan doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo ta Baarlamaanka.” Republicworld oo War-bixintiisa sii wada, ayaa sheegay in Somaliland oo Soomaaliya Madax-banaanideeda kala soo noqotay 1991-kii ay dunida la timid Dimuqraadiyad cusub “Waa dimuqraadiyadda ugu cusub Adduunka” ayuu qoray Republicworld, waxaanu intaa raaciyey “In kasta oo Soomaaliya ay tahay halka ugu dimuqraadiyadda yar (Dunida), inta badan lagu tilmaamo inay tahay mid ka mid ah waddammada ugu xasilloonida xun, laakin Somaliland waa dal nabdoon, xasilloon oo dimuqraadi ah.” Republicworld.com oo War-bixinteedu dheerayd, ayaa sheegay in inkasta oo Somaliland muujisay dedaal badan isla-markaana leedahay baasaboor u gaar ah, dawlad shaqaynaysa, lacag, iyo ciidan, haddana aanu jirin Waddan keliya oo Madax-banaanideeda aqoonsan. Wargeysku wuxuu intaa sii raaciyey, in 31-kii May 2021 ay Somaliland qabatay dadka siyaasadda indha indheeyaa ku sheegeen inay ahayd mid Somaliland u keeni karta taageero aad loogu baahan yahay. Warbaahintu waxay kaga warrantay War-bixinteeda Marxaladihii Somaliland soo martay, wuxuu sheegay in Somaliland ahayd dal uu gumaystay Ingiriisku, markaa ka dibna la midoobay Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray, balse dhibaatooyin Dadkiisu kala kulmay Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ay ku khasabtay inuu Madax-banaanidiisa dib ugala soo noqdo Soomaaliya isla-markaana ku dhawaaqo Somaliland 1991-kii, illaa xilligaa ayuu sheegay in Somaliland ay ku naaloonayso Nabadgalyo buuxda, balse Soomaaliya ay la ciirciirayso Xasillooni-darro waxyaabo badan u sabab yihiin iyo kooxaha Xag-jirka ah ee Al-qaacida ka mid tahay. Wuxuu sheegay in Somaliland ay dhul ahaan halka ay kaga taallo Geeska Afrika uu muhiim u yahay Dunida inteeda kale, kiiskeeda aqoonsi-raadintana ay Waddamo ay ka mid yihiin Iran, Turkey iyo Imaaraadku isku dayeen inay ka faa’idaystaan, si ay saamayn ugu yeeshaan. Republicworld.com wuxuu iswaydiiyey waxa Aqoonsigu muhiim ugu yahay Somaliland, waxaanu isagoo isla su’aashaa ka jawaabaya uu tilmaamay in aqoonsigu yahay Hab lagu qiimeeyo laguna siiyo Sharciyo gaar ah Dawladnimada, Madax-banaanida dhuleed ee dal leeyahay iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|