|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Xabsiga Kasii daysay Murrashaxiin Ka Xidhnaa Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo WADDANI.
May 8, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Murrashaxiin ka xidhnaa xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa xarriyadooda dib u helay. Murrashaxiinta u tartamayay doorashada isku sidkan ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa maanta laga soo daayay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay in muddo ah ku xidhnaayeen. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelayaan mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa saldhigga dhexe ee Hargeysa kaga hortayay Murrashax Qaasim Saleebaan oo xisbiga WADDANI uga tartamaya gobolka Sool. Guddiga doorashooyinka iyo komishanka xuquuqal iinsaanka ayaa hore u cambaareeyay xadhiga murrashaxiinta mucaaridka ah iyaga oo ku baaqayay in dib loogu soo celiyay xorriyadooda Related posts:DAAWO; fanaanada Khadra Silimo Oo Soo Saartay Hees Cusub oo Qiso Dhaba Xambaarsan (Xorbay Nolashu ku... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wakiilka Emaraadka Ufadhiya Caasimada Somalilan... Maayarka Berbera Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga UCID Oo La Sheegay In Laydha Kulmiye Qaadatay Iyo Xukuumadd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|