Xogaha Laga Helayo Sababta Uu Madaxweyne Biixi Umagacaabi Waayey Xilalka Banaan Ee Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogaha Laga Helayo Sababta Uu Madaxweyne Biixi Umagacaabi Waayey Xilalka Banaan Ee Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda!
May 26, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Xukuumaddiisa waxa ka bannaan muddo bilo ah xilal dhawr ah oo mihiim u ahaa Qaranka, kuwaas oo ay iska casileen Musharraxiin u tartamaya doorashooyinka dhammaadka bishan May ka dhacaya dalka oo ka sharraxan Xisbiga KULMIYE,waxaana kamid ah xilalka bannaan Wasiirka arrimaha debada, Afhayeenkii, Madaxweynaha iyo masuuliyiina Hay’adda jidadka iyo xilal kale, kuwaas oo la filayey inuu baddelkooda magacaabo, balse aanu magacaabin ilaa hadda.

Xoggo uu Wargeysa Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi aanu wax magacabis ah samaynayn ilaa inta doorashadu ay ka dhacayso,isla markaana la soo saarayo natiijooyinka doorashooyinka.

Sidoo kale Xoggaha aanu helnay ayaan intaas ku daray in Madaxweyne Biixi uu masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha debada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo kamid ah musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool inay Madaxweynaha ku ballameen in haddii uu ku guul-daraysto doorashada in uu dib ugu magacaabo xilkii uu iska casiley ee arrimaha debad,taas oo la sheegay inay tahay sababta uu mudda’daa dheer u bannaan yahay ee uu Madaxweyne Biixi u magacaabi waayey.

Waxa kale oo xoggu sheegeen in Afhayeenkii hore ee Madaxweyne Biixi, Maxamuud Warsame Jaamac oo isna ah Musharrax uga tartamaya Xisbiga KULMIYE golaha Wakiillada ee Gobolka Sanaag in Madaxweynuhu uu u sheegay in haddii uu ku guul-daraysto tartanka doorashada inuu dib ugu magacaabi doonno doorashada kadib booskii uu hore iskaga casiley ee Afhayeenka Madaxtooyadda,waxaana la sheegay inay tahay sababta kor loogu hayo ee uu u soo magacaabi waayey,taas oo lala sugayo guusha iyo guul-dara uu Afhayeenkii hore ka gaadho doorashada.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inuu ku dhici la’yey inuu buuxiyo xilalka ay iska casileen Wasiirkii hore ee arrimaha debada iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda Maxamuud Warsamed iyo xilalka kale,kuwaas oo dhawr bilood ka hore iska casiley si ay ugu tartamaan doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanka,balse waxa muuqata in kor loo hayo oo lala sugayo guusha iyo guul-darada ay ka gaadhaan doorashooyinka,waxaynu eegnaa doorashada kadib sida uu xaal noqdo iyo in masuuliyiintaa boosaskoodii dib loogu magacaabo haddii ay guul-daraystaan iyo in kale.

COMMENTS
LINKS