Weriye U Shaqeeya Wargeyska Caan Ah Ee The New York Times Oo Laga Mustaafuriyey Itoobiya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weriye U Shaqeeya Wargeyska Caan Ah Ee The New York Times Oo Laga Mustaafuriyey Itoobiya!
May 22, 2021 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay xaqiijisay inay masaafuriyeen Weriye Ajnabi ah oo u shaqeeya Wargeyska The New York Times, kadib markii ay kala laabteen liisankii uu ku hawlgeli jirey.

Go’aanka lagu caydhiyey Saxafiga Simon Marks oo u dhashay dalka Iredland ayaa lagu sheegay inay timid, kadib markii uu Warar aan isku dheelitirnayn ka tebiyey Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxay cambaareeyeen Saxafiga laga soo masaafuriyey Ethiopia, iyadoo ay caydhintaasi tahay tii ugu horreysay ee lagula kaco Suxufiyiinta Ajaaniibta, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed la wareegay Tallada dalkaasi.

Maamulka Wargeyska The NYT ayaa waxaa sheegeen inay Saraakiisha Ethiopia ay Simon Marks ugu yeedheen Kulan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, isla markaana ay 8 saacadood ku hayeen Garoonka, ka hor intaysan isaga saaarin Duullimaad saqdii dhexe ee xalay.

Dhinaca kale, Saxafiga Simon Marks waxa uu Bartiisa Twitterka ku qoray in ayna Saraakiisha Socdaalka oo keliya ka hor-joogsanin inuu guriga ka soo qaato Hantidiisa iyo inuu soo macasalameeyo saaxiibtiisa iyo wiilkiiisa 2-jirka ah

Madaxa Hay’adda Warbaahinta Ethiopia, Maxamed Idris oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu tilmamay inuusan Saxafiga Simon Marks Joogitaan Ganacsi ku lahayn gudaha Ethiopia iyo isagoo aan lahayn liisan Warbaahineed ( A Media Licence)

COMMENTS
LINKS