|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Katirsan Xukuumadda Jsl Oo Sheegay In Sida Loola Dhaqmo Beelaha La Hayb-sooco Ee Somaliland Ay Bar Madow Ku Tahay Qaranka!
May 26, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N);-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Takoorka lagu hayo Bulshada ka soo jeeda Beelaha la Hayb-sooco. Iyadoo sheegtay in Habka loola dhaqmo Dadka soo jeeda Beelaha la Hayb-sooco ee Somaliland ay Boog Madow ku yihiin Qaranimada Dalka. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu furay Goob lagu diwaangelinayo Tacadiyada loo geysto Haweenka, ayaa isagoo daba socda hadal Madashaa ka sheegay Axmed Iimaan Warsame oo ah boqorka guud ee Beelaha Gabooye, ayuu wuxuu Wasiir Sacad yidhi “Anigu boqorka waan la qabaa Codsigiisa iyo Cabashadiisa, haba aynu ula dhaqano Beelahaas (la Hayb-sooco) waa bar madow oo ku taalla Qarankeena iyo dhaqankeenaba” Wasiir Sacad wuxuu sheegay oo kale “Keligood ma masixi karaan Boogtaa, waa Arrin u yaalla Bulshada, hadday Dawlad tahay iyo hadday Shicib tahayba.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.
Related posts:Shirkadaha Oomaar Iyo Daa,uus Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaaf Ganacsi Oo Udhexeeyay +Go,aamada Laga So... Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Biixi Ku Imanayo Burco Iyo fariinta Uu ... Shacabka Reer Gabiley oo Taageeray Hadalkii Suldaan Ismaaciil, Madaxweyne Biixina Ugu Baaqay In Uu Q... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|