|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Dalka Qadar Oo Magaalada Muqdisho Kulan Kula Layeeshay Midowga Musharixiinta!
May 2, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO (W,N)- Wafti ka socda dalka Qadar ayaa caawa fiidkii kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho xubno ka tirsan midowga Musharixiinta kaasi oo shalay galinkii danbe soo gaadhay Muqdisho. Wafdiga Qatar Ayaa waxaa hoggaaminayo ergay gaar ah ee Wasaarradda Arrimaha dibadda oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq Al-Qahtani Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo waliba khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoo hore wafdigani ay kulan ula qaateen Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Qatar ayaa saameyn weyn oo siyaasadeed ku leh gudaha dalka Soomaaliya waxaa lagu tiriyaan in ay ka mid ah dowladdaha gacan saarka dhaw la leh dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Related posts:Daawo-Waraysi Xasaasiya-Qoraaga Buuga"Miyiga Ilaa Madaxtooyada" Xirsi Xaaji Cali Xassan Oo Faahfaahi... Xildibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Wareegto Ay Wasaarada Gaadiidku Ka Soo S... Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Madaxwayne Biixi Ku Eedeeyay In Uu Ku Kacay Sharci Jabin Sobobi Karta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|