Taliska Ciidanka Booliska Jsl Iyo Gudida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga La Joojinayo Isku Socodka Gadiidka,Lana Xidhayo Xuduudaha Dalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Jsl Iyo Gudida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga La Joojinayo Isku Socodka Gadiidka,Lana Xidhayo Xuduudaha Dalka!
May 30, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Qoraalo  kasoo kala Baxay Taliska Guud ee Ciidanka booliska Somaliland Iyo Gudida Doorashooyinka Qarana ayaa lagu shaaciyay wakhtiga kama danbaysa ah ee la joojinayo isku socodka gaadiidka

Sidoo kale ciidanka booliska ayaa sheegay in ay gabi ahaanba la xidhayo xuduudaha dalka ee circa iyo dhulkuba marka la gaadho wakhtiga loo mudeeyay qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka oo bari dalka ka dhacaya awgeed oo maalinta bari ah dalka looga dareerayo Codbixintooda.

Qoraalka kazoo baxay taliska ciidanka booliska ayaa udhignaa Sidan;

Ciidanka Booliska Somaliland wax ay la socod siinayaan guud ahaanba shacabka Somaliland in la  joojiyay Dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan,Isla-markaasna ay xidhan yihiin Xududaha Dhulka,Cirka iyo Baduba Laga bilaabo Caawa 3:00am ilaa 6:00pm ee 31May.

Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay Gaadiidka haysta Ruqsadda Lambarka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa lagu adkaynayaa Laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan Cidii ka hor timaada gacan bir ah ku qabtaan.

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL.

Dhanka kale komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa qoraal ay caawa soo saareen dhinacooga ku cadeeyaywakhtiga la joojinayo isku socodka gaadiidka iyagoo fariimo culus udiray musharixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo doorashadooda maalinta bari ah loo dareerayo guud ahaan dalka Somaliland

Qoraalka kazoo baxay Komishanka doorashooyinka ayaa udhignaa Sidan;

COMMENTS
LINKS