“Reer Gabiloow Sedexda Musharax Ee Golaha Wakiilada G. Maroodi Jeex Usharaxan In Aynu Soo Saarno Sow Iskuma Ogin”Wasiir Cabdiwali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Reer Gabiloow Sedexda Musharax Ee Golaha Wakiilada G. Maroodi Jeex Usharaxan In Aynu Soo Saarno Sow Iskuma Ogin”Wasiir Cabdiwali.
May 26, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo Technolajiyada Somaliland Cabdiwali sheikh cabdilaahi suufi Jibriil oo taageerayaasha xisbiga kulmiye kala hadlay fagaaraha Magaalada gabiley oo ay iskugu soo baxeen ayaa taageerayaasha xisbiga kulmiye ee gobolka gabiley ugu baaqay in ay soo saaraan sedexda musharax ee golaha wakiilada uga sharaxan xisbiga gobolka maroodi jeex. Xili ay xisbiga kulmiye gobolka gabiley ay uga  sharaxan yihiin shan musharax oo kazoo jeeda gobolka gabiley,halka wasiir cabdi wali ka sheegay seddex iyadoo goob taasi uu ku sugnaa madaxwaynaha Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga xaakimka kulmiye.

Hadaba bulshada gobolka gabiley ayaa hadal kazoo yeedhay wasiirka xukuumada umatalaya ee cabdiwali uu ku noqday mid hadal hayn badan dhaliyay

Wasiir cabdiwali ma sedex musharax oo kamid ah shanta musharaxan ee xisbiga ka sharaxan ayuunbuu uyaqaana in ay kazoo jeedaa goblolka gabiley? Mise wuu halmaamay sida ay sheegeen Dadka ka dhow ee la socda siyaasada wasiirka isgaadhsiinta ee xilka hayay mudada ay jiray xukuumada kulmiye ayaa hadal wasiirka ku tilmaamay in uu yahay mid ay keentay fahamkiisa siyaasadeed amabase uu ku khaldamay sedexda musharax ee beeshiisa hoose uu uga soo xulay golaha deegaanka degmada gabiley oo ilaa intii ay bilaabantay udiyaar garowda doorashadu uu ku fooganaa islamarkaana uuna xilba iska saarin musharixiinta kale ee golaha deegaanka ka sharaxan iyo wakiiladaba  isagoo lala hayn xataa wax xidhiidha taasina ay tahay ta ku keentay in uu fagaaraha ka yidhaa reer gabiloow doorta sedexda musharax ee usharaxan golaha wakiilada halka uu ka ilaaway laba musharax oo reer gabiley oo ka sharaxan golaha wakiilada gobolka maroodi jeex isla kulmiye oo tirade musharixiinta xisbiga kulmiye ee gobolka maroodi jeex ka dhigaysa shan musharax

HALKAN KA DAAWO MUUQAAALKA HADALKA WASIIRKA;

 

 

COMMENTS
LINKS