Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Doorkii Uu Marxuum Cumar Aw Yuusuf Ku Lahaa Halgankii Dib Uxoraynta Somaliland Iyo Sida Madaxwayne Biixi Ugala Masuugay Xataa In Uu Tacsiyadeeyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Doorkii Uu Marxuum Cumar Aw Yuusuf Ku Lahaa Halgankii Dib Uxoraynta Somaliland Iyo Sida Madaxwayne Biixi Ugala Masuugay Xataa In Uu Tacsiyadeeyo!
May 5, 2021 - Written by Editor:

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid ah Aqoonyahan reer somalland ee ku Dhaqan dalka Canada kana Mid ahaa saraakiishii Ururkii SNM Ee suurto galiyay in ay Somaliland dib Ulasoo noqoto Madaxbaanideeda ayaa ka Hadlay Geerida ku timid gudoomiye kuxigeenkii baanka dhexe Ee Somaliland Marxuum Prof Cumar Aw Yuusuf Buux “Cumar Gows” Oo kamid ahaa Shakhsiyaadkii naf iyo maalba uhoray Halgankii dib uxorayta jamhuuriyada Somaliland Isagoo ahaa Gudoomiyihii jaaliyada reer Somaliland ee dalka sucuudi Arabiya iyo dib udhiskii dalka haday tahay waxbarashada iyo Baanka dhexe ee somalland oo uu mudo 10sano ah ka ahaa Gudoomiye kuxigeen oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad ayaa wax laga xukuumado ku tilmaamay in madaxwaynaha Somaliland shacabka iyo qoyskiisii ka tacsiyadayn waayo geerida ku timid Muj Marxuum Cumar Aw Yuusuf oo kamid ahaa shakhsiyaadka tirada yar ee dalkan xoog iyo xoolaha galiyay iskadaa in uu ka qaybgalo Jinaasada Aaskiisee.

Dhanka kale Prof Meecaad ayaa xusay sida ay aanay qaranka iyo madaxda dalka hada ka talisaa aanay qiimo agtooda uga lahayn dadka kasoo jeeda Gobolka Gabiley Oo la ogyahay sidii ay halgankii iyo dhismaha Somaliland uga soo qayb qaateen.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS