|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Afrika Oo Madaxwaynihii Hore Ee Ghana Usoo Magacaabay Ergay Cusub Ee Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.
May 8, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Ghana, John Dramani Mahama, u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Dramani Mahama ayaa la sheegay inuu la shaqeyn doono daneeyayaasha Soomaaliya, si loo gaadho xal loo dhan yahay oo ku saabsan qabashada doorashooyinka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan. Guddoomiyaha midowga Afrika wuxuu sheegay in wakiilka cusub ay taageeri doonaan AMISOM, si loo hubiyo in dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageerada nabadda ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan. Moussa Faki wuxuu ku dhiirrigeliyay dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka inay taageero u fidiyaan Wakiilka uu soo magacaabay, kaasoo dalka imaan doona maalmaha soo socda. 20 ka bishaan May waxaa qorshaysan in ay wada xaajood isugu yimaadaan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo ka wada hadlidoona dhameystirka heshiiska doorashada ee 17 september. Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u soo magacaabay arrimaha doorashooyinka, ayaa la filayaa inuu kor saameyn ku yeesho shirarka arrimaha doorashada. Dowladda federalka Soomaaliya waxay hore u sheegtay in ay soo dhoweynayso lana shaqeyndoonto ergayga loo soo magacaabi doono. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Dawladda Kenya Oo Sheegtay In Mid Ka Mid Ah Raggii Weeraray Jaamacadda Garissa In Uu Dhalay Caaqil S... "Muqdisho Waanu Ka Xoraynaynaa Farmaajo Waxaanu U Gacan Gelinaynaa Ragii Aanu Siyaad Bare Wada Ridna... DAAWO;-Munaasibada Daah-Furka Carwada Cusub Ee Haboon Deeqa Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|