|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo 18 Sano Ka Dib Markale Maanta Ku Celiyay In Xisbigiisa Kulmiye Laga Boobay Doorashadii Madaxtooyada Ee 2003.
May 24, 2021 - Written by Editor:“Xisbiga Kulmiye Laba Jeerbuu Qaaday Koobka Doorashooyinka Jsl Tii Sedexaad Ee 2003 Intii Helay Ayuu Danta Qaranka Utanaasulay”Madaxwayne Biixi. GABILEY(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Ayaa Isagoo maanta khudbad ka jeedinayay fagaaraha magaalada gabiley oo uu ka hadlayay horumarka iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland waxa uu ammaanay dhammaan doorashooyinkii la qabtay oo uu ku sifeeyay kuwo si xalaal ah u dhacay. Nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland lagu ammaano waxa ugu wayn ee salka u ah waa doorashooyinkii ka dhacay oo loo aqoonsan yahay kuwa si caddaalad ah oo hufan u dhacay dhammaantood. Doorashadaas 2003 Ayaa Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in laga boobay xisbigiisa kulmiye balse ay iyagu Tanaasuleen, Taasi oo kursiga madaxweynenimo ay ku loolameen Daahir Rayaale kaahin oo u sharaxnaa xisbigii UDUB, Axmed Siilaanyo oo ka sharaxnaa Kulmiye iyo Faysal C. Waraabe oo Ucid ahaa. Waxa doorashadaas ku guulaystay Daahir Rayaale oo noqday Madaxwenihii 3aad ee Somaliland. Hadalka kazoo yeedhay madaxwayne biixi ayaa noqday mid bulshada reer Somaliland fajiciso iyo amakaag ku noqotay HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Soo Dhawaysay Go,aanka Dalka Maraykanku Ciidamadiisa Kagala Baxayo Somaliya. Daawo:C/Raxmaan Cadami Oo Si Qotodheer U Soo Bandhigay Halkuu Salka Ku Hayo Khilaafka Ka Dhex Qarxa... DAAWO;-Wafti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Tog Wajaale Iyo Ujeedada Safar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|