Madaxweyne Biixi Oo 18 Sano Ka Dib Markale Maanta Ku Celiyay In Xisbigiisa Kulmiye Laga Boobay Doorashadii Madaxtooyada Ee 2003. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo 18 Sano Ka Dib Markale Maanta Ku Celiyay In Xisbigiisa Kulmiye Laga Boobay Doorashadii Madaxtooyada Ee 2003.
May 24, 2021 - Written by Editor:

“Xisbiga Kulmiye Laba Jeerbuu Qaaday Koobka Doorashooyinka Jsl Tii Sedexaad Ee 2003 Intii Helay Ayuu Danta Qaranka Utanaasulay”Madaxwayne Biixi.

GABILEY(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Ayaa  Isagoo maanta khudbad ka jeedinayay fagaaraha magaalada gabiley oo uu ka hadlayay horumarka iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland waxa uu ammaanay dhammaan doorashooyinkii la qabtay oo uu ku sifeeyay kuwo si xalaal ah u dhacay.

Nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland lagu ammaano waxa ugu wayn ee salka u ah waa doorashooyinkii ka dhacay oo loo aqoonsan yahay kuwa si caddaalad ah oo hufan u dhacay dhammaantood.

Doorashadaas 2003  Ayaa Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in laga boobay xisbigiisa kulmiye  balse ay iyagu Tanaasuleen, Taasi oo kursiga madaxweynenimo ay ku loolameen  Daahir Rayaale kaahin oo u sharaxnaa xisbigii UDUB, Axmed Siilaanyo oo ka sharaxnaa Kulmiye iyo Faysal C. Waraabe oo Ucid ahaa.

Waxa doorashadaas ku guulaystay Daahir Rayaale oo noqday Madaxwenihii 3aad ee Somaliland.

Hadalka kazoo yeedhay madaxwayne biixi  ayaa noqday mid bulshada reer Somaliland fajiciso iyo amakaag ku noqotay

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS