|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Caasimada Hargaysa kala Qaybgalay Tukashada Salaadda Ciidul-Fidriga.
May 13, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan oo dhan u wada jeedda.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran, kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay. Related posts:DAAWO;-WASIIRO XUKUUMADA KATIRSAN OO SHACABKA REER GABILEY UGU BAAQAY IN AY UDIYAAR GAROOBAAN DIWAAN... Madaxweynaha Somaliland Oo Laga Dalbaday Inuu ka Hawlgalo Soo Daynta Maxaabiista Ciidamada Qaranka E... Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Shaaciyay In Maalinta Bari ah Ay Tahay Ciid Laga Arkay Bilashada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|