|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Dalka Qadar Iyo Arimaha ay ka wada hadleen!!
May 1, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani. Ugu horrayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah. Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Related posts:Maayarka Degmadda Taleex Oo Ka Hadlay Duulaankii ay Ciidamadda Puntland ku Soo Qaadeen Degmaddaasi i... Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha... DAAWO; Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Dalka Kenya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargays... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|