Madaxwaynaha Turkiga Oo Eedo Culus Ujeediyay Dhigiisa Dalka Maraykanka Taageerada Uu Israa’iil Ku Siiyay Weerarka Dadka Reer Falastiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Turkiga Oo Eedo Culus Ujeediyay Dhigiisa Dalka Maraykanka Taageerada Uu Israa’iil Ku Siiyay Weerarka Dadka Reer Falastiin
May 18, 2021 - Written by Editor:

Ankara(W,N)-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xidhiidha taageeradiisa dagaalka Israa’iil ay ku qaadeyo Marinka Gaza.

Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga daawaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii January.

“Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukumayey Turkey.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

“Maanta waxaan aragnay saxeexa Biden ee hubka laga iibinayo Israa’iil,” ayuu yidhi Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israa’iil.

“Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yidhi Biden.

Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Austria inay sare u qaaday calanka Israel toddobaadkii tegay ayada oo u muujineysa “is-garab tag.”

“Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen alanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yidhi Erdogan.

Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israa’iil oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 carruur ah.

COMMENTS
LINKS