|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Bahda fanka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Abwaan/Jilaa Sooraan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco.
May 26, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 26/05/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2021 magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, geliyeyna juhdi iyo dedaal dheeriya, marwalbana ugu hoga-tusaalayn jiray hadba wacyiga jira oo uu ku wacyigelin jiray bulshada inay ka dheeraato wixii wax u dhimaya diinta iyo dhaqankeena suubban. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|