|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Lafilayo In Uu Safar Ugu Kicitimo Dalka Jabuuti Iyo Waxa Uu Daaran Yahay!
May 13, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo ayaa Sida ay sheegeen ilo xogogaal oo ka dhow qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa la filayaa inuu maalinta beri ah safar ugu kicitimo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Safarka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku tagayo dalka jabuuti ayaa wuxuu marti-qaad ka helay dhigiisa Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele, oo dhowaan lagu wado inuu qabsado Munaasibada caleemo saarka Madaxweynenimo. Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti, oo dhico doona sabtida oo ku beegan 15ka bishan. Caleemo saarka ayaa waxa kasoo qaybgali doona wufuud u badan Madaxweyneyaal iyo Wasiiro arrimo dibadeed iyo diblumaasiyiin sarsare oo ku xeel-dheer arrimaha Siyaasada Geeska Africa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhowaan dib loo doortay markii shannaad inuu Hoggaaminayo Qaranka Jabuuti. Related posts:Sedexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa Iyo Nuxurka Arimaha Ay Wada... DAAWO; Gobolka Gabiley Oo Ay Kusoo Badanayaan Wax Soo Saarka Saliidaha Dabiiciga Ah! Warbixin; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Laascanood, Shuruudna Ku Xidhay Baaqii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|