|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya Iyo DP World Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Horumarinayo Waddada Isku Xidha Somailand Iyo Itoobiya Ee Berbera Corridor.
May 6, 2021 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)- Dawlada Itoobiya iyo shirkadda DP World ee Gacanta ku haysa Dekeda Somaliland Ee Berberaayaa kala Saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo waddada Berbera Corridor. Oo muhiim u ah isku socodka dalalka Somaliland iyo itoobiya. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka ee Itoobiya Dagmowit Moges iyo Agaasimaha guud ee shirkadda DP world Suldaan Axmed Biny Suleyman ayaa maanta Addis Ababa ku kala sexeexday heshiis cusub oo ujeedkiisu yahay horumarinta waddada Berbera Corridor ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya. Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay ku maalgashato kuna horumariso dekedda Berbera 442$ Milyan iyadoo wajigii kowaad dhamaad ku dhaw yahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shirkadda Suldaan Axmed. Dar dar galinta wadada berbera corridor ee Somaliland iyo itoobiya xidhiidhisa ayaa mudoodinkii udanbeeyay xawli ku socota iyadoo dhawaan madaxwaynaha Somaliland oo ay weheliyaan safiirka dalka ingiriiska uqaabilsan Somaliland iyo somaliya ayaa dhagax dhigay wadada berbera corridor oo galbeed ka mari doonta caasimada hargaysa taasi oo ay maalgalinayso dawlada ingiriisku halka ay hore usoo socotay wadadan oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dalka emaraadka carabtu. Hirgalinta wadada berbera corridor ayaa dhismaheedu muhiim uyahay isku socodka Somaliland iyo itoobiya ee dhinaca ganacsiga iyo alaabooyinka ay itoobiya kala soo degto dekeda berbera oo ka gudba magaalo xuduudeedka wajaale ee labada dal wagaadaan. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE. Related posts:WAR DEGDEG AH:- Diyaarad Daallo Airlines oo Baalkeedu Uu Taabtay Terminalka Garoonka Diyaaradaha ee ... Halgamaa Shamis Qarda Jeex Oo Ka Hadashay Xuska Sanad Guurada Madax Banaanida Somaliland Iyo Safarki... ''Go'Aankii Golaha Wakiiladu Ku Diideen Labada Xubnood Ee Komishanku Waa Xaraan''Prof Cabdisalaan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|