|
|||||
WAJAALE NEWS
Halgamaa Shamis Qarda Jeex Oo Ka Hadashay Xuska Sanad Guurada Madax Banaanida Somaliland Iyo Safarkii Madaxwayne Biixi Ee Dalka Jabuuti.
May 19, 2021 - Written by Editor:CANADA(W,N)-Halgamaa Shamis Cali Faarax(Shamis Qarda Jeex) Oo kamid Ahayd Hablihii Fanaaniinta ahaa ee doorka laxaad kale kasoo qaatay halgankii xornimo doonta Dalka Jabuuti iyo halgankii Dib ulasoo Noqoshada Madax-banaanida somaliland ayaa Madaxda iyo shacabka somaliland ku Bogaadisay xuska sanad guurada 30th ee madaxbanaanida Jamhuuriyada somaliland ee 18may. Sidoo kale halgamaa Shamis Qarda Jeex ayaa ka hadashay safarkii Madaxwaynaha somaliland ku tagay Dalka jabuuti iyo sidii uu usoo dhaweeyay madaxwaynaha dalka jabuuti. Dhanka Kale shamis cali faarax ayaa siyaasiyiinta somaliya ee mucaaridka ah iyo beesha hawiye ku amaantay sida ay uga horyimaadeen mudo kordhintii loo sameeyay maamulka farmaajo iyadoo ugu baaqay in ay halganka halkaa kasii wadaan ilaa inta ay farmaajo ay ka saarayaan villa somaliya. Ugu danbay Halgamaa shamis Qarda jeex ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay sida ay dhalinyaradan danbe u bahdileen milgihii Uu lahaa fanka soomaalidu iyadoo cod satay in aan loogu yeedhay magaca fanaanad ilaa inta xaalku sidan yahay. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|