|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga ucid oo shacabka somaliland fariin udiray ciidul fidriga awgeed
May 12, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Waxaa uu Shucuubta Islaamka Iyo Shacbiga Somaliland Ku Hambalyeeyay Munaasibadda Ciidul Fidri. Gudoomiyaha ayaa ilaahay ka baryay in uu acmaashi wanagsanayd ee Bisha Ramadaan innaga aqbalo. Dhinaca kale, Gudoomiyaha ayaa Xusay in Bishan May ay tahay bil kulmisay, Ramadaan, Ciid, Xuska 18-may Iyo Doorasho. Waxaanu Rabbi ka rajeeyay in guul uu inoogu dhameeyo, dhamaan arrimaha muhiimka ah ee Bishan ku kulmay. Ugu dambayn, Gudoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay, Nabadda, Waxaanu sheegay in Nabaddu ku yartahay Caalamul Islaam, waxaanu Bulshada ugu baaqay in ay isu naxariistaan, Is Xidhiidhiyaan, si Ilaahay ugu Naxariisto.
Related posts:Hogaanka Xisbiga Waddan Oo Hadhimo Shafareed Ku Maamuusay Madaxdhaqameedka, Waxgaradka Iyo Dhalinyar... Xukuumada Oo Quful Saartay Xafiiskii Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka Kadib Xukun Ay Kasoo Saareen Dacwad... Daawo:Shirkada Diyaaradaha Ee Turkish Airline Oo La Filayo In ay Duulimaadyo Ka Bilawdo Somaliland I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|