|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Ururka Marreeggaha Somaliland Ee SOMA Oo Ku Bogaadiyay Bahda Saxaafadda Online-ka Munaasibada Ciidal Fidriga.
May 12, 2021 - Written by Editor:“Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA Waxaan u rajeynayaa inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo..” Gudoomiye #Mustafe_Janaale Hargeysa(W,N)- Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale) ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad iyo umadda Islaamka meel ay joogaanba ku hambalyeeyay,munaasibadda Ciida Barakaysan ee Ciidal Fidriga awgeed oo ku asteysan maalinta beri oo Khamiisa taariikhduna tahay 13.5.2021. Guddoomiye Mustafe-Janaale, isagoo Bahda Saxaafadda Online-ka la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo. “Waxaan Shacabka reer Somaliland iyo Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA u rajeynayaa inay sannadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabadgelyo iyo horumar lagu badhaadho”.Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe-jannaale. Guddoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ILAAHAY uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo. “Waxaan ugu duceynayaa Bahda Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Ururka Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), inuu ILAAHAY ciidan ciideeda innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo horumar waara…waxaan ugu baaqayaa bahda Saxaafadda Somaliland inay isa-saamaxaan isla markaana u midoobaan horumarka…”.Ayuu yidhi Mustafe-janaale. “CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK…… “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR” HALKAN KU DHUFO OO KA BOGO: https://www.facebook.com/somaorgonline https://twitter.com/Somaorgonline Email: somajournalism@gmail.com #Ururka_SOMA #Somaliland #Soomaalia #2021. Related posts:DAAWO; Waftigii Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Iyo Qaabka Loogu soo Dhaweeyay Magaalada... Wasiirkii Ciyaaraha Oo Ku Dhawaaqay Inuu Is Casilay, Faah Faahina Ka Bixiyey Sababaha Keenay Is Casi... DAAWO:- Masuuliyiinta Wadani Oo Saaka la Keenay Maxkamada iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga oo Madaxtoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|