|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubnaha Guddida Anshaxa Iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.
May 24, 2021 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddida Maxamed Axmed Bulxan. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan 6-da xubnood ee guddida iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu horayn ku bilaabmay xog-waran iyo sidii loo xoojin lahaa hawlaha shaqo ee u baahan in laga wada shaqeeyo, maadaama oo uu dalku galayo marxalad doorasho oo u baahan in wadajirka iyo xasiloonida bulshada la sii xoojiyo. Lagana hortago arrimaha keeni kara khilaafaadka la xidhiidha doorashooyinka. Guddida ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay kulanka ay la yeesheen, waxaanay niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha shaqo ee u baahan in laga taageero guddida. Geestiisa guddoomiyaha ayaa guddida ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiiri-galiyay in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u xooganaato, waxaanu ku hambalyeeyay dedaalada ilaa imika ay waddaan. Wa bilaahi tawfiiq. Related posts:DAAWO;-Fanaan Mahad Maxamed Nuux Oo Wacdaro Ka Dhigay Munaasibadii Xuska 18may Iyo Hees Qiiro Leh Oo... Xafladii Madaxtooyada Ee Xuska 18 May Oo Qaadhan Ururin Balaadhan Laga Sameeyey iyo Lacagta Oo Kor U... DAAWO;-Aqoonyahan Soo Bandhigay Ururada Caalamiga Ee Somaliland Xubinta Ka Noqotay 1960 Iyo Xaqiiqad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|