Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee JSL Oo Bulshada Udiray Hambalyada Ciidul Fidriga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee JSL Oo Bulshada Udiray Hambalyada Ciidul Fidriga.
May 13, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa-(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magiciisa iyo ka hay’adda garsoorka JSL, waxa uu munaasibada Ciidul Fidriga awgeed dhambaal hambalyo ah u dirayaa ummada Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaana shacbiga jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga Somaliland Ilaahay uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee innoo qabsoontay bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Waxaanu u rajaynayaa in ay farxad iyo barwaaqo ku ciiddaan. Ilaahayna caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaado suuban ku gaadhsiiyo ciiddan ciiddeeda.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, Aadam Xaaji Cali waxa uu bulshada ku boorinayaa in wanaaga iyo wadajirka la isku kaashado, si horumar waara aynu u gaadhno, waxaanu Ilaahay uga baryayaa in uu dariiqa toosan inna waafajiyo

 

COMMENTS
LINKS