Doorashada Somaliland Oo Saaka Si Rasmi Ah U Bilaabantay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashada Somaliland Oo Saaka Si Rasmi Ah U Bilaabantay.
May 31, 2021 - Written by Editor:

Shacabka Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo kuwa deegaanka.

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha.

Waxaana doorashada codkooda dhiiban doonaa dadka gaadhaya 1,065,847, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaadhaya 246 ayaa u tartamaha golaha wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha deegaanka

Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaadhay madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlay diyaargarowga doorashada ayaa sheegay in cid waliba ay ka soo baxday mas’uuliyaddii ka saarnayd doorashada.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale dadweynaha ka codsaday in si nabad ah ay u codeeyaan,

Sabababo la xidhiidh safmarka Covid-19, ololaha doorashada ayaa lagu soo koobay muddo lix maalmood ah oo saddexda xisbi ee ku loollamaya doorashadan ay ku soo bandhigayeen cududda taageerayaashooda.

Qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa, waxaa saaka lagu arkayay boqolaal qof oo safaf ugu jira goobaha codbixinta, waxaase dadka qaarkood ay BBC-da u sheegeen in aan loo sii sheegin goobihii ay codkooga ka dhiiban lahaayeen.

Codbixinta ayaa inta badan billaabatay toddobadii arroornimo, waxaana mas’uuliyiinta doorashadu ay sheegeen in ay filayaan in doorashadu ay u dhacdo sidii loogu tala galay.

 

COMMENTS
LINKS