Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Tirada Sanadkan Xajiyaysa Iyo Sharuudaha Laga Rabo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Tirada Sanadkan Xajiyaysa Iyo Sharuudaha Laga Rabo!
May 23, 2021 - Written by Editor:

RIYAD(W,N)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa Sanadkan Shuruudo ku soo rogtay dad xujayjda ah ee xaramka barakaysan imanaya Gudasha Xajka kuwaasi oo ay ku amartay  inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da.

Wasiirka Arimaha Diinta Ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr Noor-ul-Haq Qadri, ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay u ogolaatay 60,000 oo qof, oo ka kala imaanaya daafaha dunida, ay soo gutaan waajibaadka Xajka sanadkan.

Sidoo kale Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in 15,000 kamid ah xujeyda ay noqon doonaan kuwa maxalli ah halka 45,000 ay ka kala imaan doona qaybaha kale ee dalalka adduunka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in xujeyda jira da’da 18 ilaa 60 sano loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan islamarkaana laga rabo in ay soo bandhigaan warbixinta xaaladdooda caafimaad in shahaadada tallaalka Corona ee saxda ah sitaan iyo baadhitaanka taban ee PCR ay qasab noqon doonaan.

Amarada kazoo baxay dawlada boqortooyada sucuudiga ayaa imanaya xili ay ay maaliyiin muslimiin ah oo ku kala nool daafaha caalamku doonayeen in ay soo xajiyaan sanad halka tiro kooban ay ogolaatay in ay imaadaan.

 

COMMENTS
LINKS