Aqoonyahan Cabdikariim Xasan Caalin Oo Si Qotodheer Uga Waramay Taariikh Nololeedkii Marxuum Macallin/Muj Cumar Aw Yuusuf Buux! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Cabdikariim Xasan Caalin Oo Si Qotodheer Uga Waramay Taariikh Nololeedkii Marxuum Macallin/Muj Cumar Aw Yuusuf Buux!
May 7, 2021 - Written by Editor:

Innaa Lilaaahi Wa Inna Ilayihi Raajicuun.

Marxuum Cumar Aw Yuusuf Buux oo aan Aqoon fog oo gaar ah u lahaa oo aannu ehel iyo saaxiibo aad Isugu Dhaw Ahayn ayaa waxaan jeclaystay in aan si kooban Taariikhdiisa Wax uga sheego. Waxaan aad uga xumahay in aanan, nasiibdarro, joogin sagootintiisa oo aan caafimaad ugu maqnahay Ameerika.

Maxuumku wuxu ku dhashay Qiyaastii 1948kii magaalada Kalabaydh. Wuxu ka dhashay qoys waxbarasho ku suntan oo Aabihii Wuxu Jiiddaas Kalabaydh iyo Botor caan ku ahaa Macallinimo oo uu halkaasi dad badan Quraanka iyo Carabida ku soo baray. Waxa kale oo qoyska ka mid ahaa Allah ha u wada naxariistee walaalkii Qaasim oo isna macallin ahaa iyo macallinkii weynaa, ahaana Sheekha Kalabaydh, Sh Mohamed Muxumad Buux. Cumar-na isaga oo yar ayuu Quraanka dhammeeyey oo macallin-yare ka noqday dugsigii aabbihii. Cumar dad badan ayuu halkaas Quraanka ku soo baray.

Dugsigii hoose wuxu ka galay Wajaale isaga oo quraan xaafid ah oo uu noqday ardaydii ugu horraysay (fasalkii labaad) ee ka baxa dugsiga Wajaale isaga iyo Axmad Xasan Cawke, Abiib Diiriye iyo rag badan oo kale oo waddanka hadda caan ka ah. Wuxu haddana nasiib u yeeshay inuu noqdo ardaydii ugu horraysay ee gasha dugsiga “boarding” ahaa ee Cadaadlay. Dugsigii dhexe, Cadaadlay ayuu ku dhammaystay. Kaddibna wuxu dugsigii sare ka galay Dugsiga Sare ee Sheekh oo uu ka mid ahaa ardayda ugu fiican oo, inta aan xasuusnahay, Cumar wuxu ka mid ahaa ardayda dugsiga aan lacagta bixin ee had iyo goor ugu sarreeya fasalka. Dugsiga Sheekh waxay saaxiib gaar ah iyo sheeko wadaagba lahaayeen Macallin Gaarriye oo ay isku fasal ahaayeen. Markuu ka baxay dugsiga sare 1970kii wuxu u baqoolay Xamar oo uu hal sanno macallin ka noqday dugsiga caanka ah ee Macalin Jaamac. Cumar koonfur Somalia sanadkaas uu macallinka ka ahaa ayey ka ahayd. 1971kii wuxu waxbarasho u tagay dalka Sudan oo uu ku soo bartay aqoonta maaliyadda iyo baangiyada. Markii uu Jaamicadda dhammaystay wuxu toos u tagay Sucuudiga oo uu aqoontiisii ku shaqo helay. Baank caan ah ayuu ka shaqo bilaabay oo muddo dheer ka shaqaynayey oo ka gaadhay heer sare. Xirfadaha baanka iyo maamulka lacagta dadka tirada yar ee aad u yaqaan ayuu ka mid ahaa.

Sucuudiga wuxu ka mid noqday hormoodkii, halgamayaashii Aasaasay SNM oo uu qayb libaax ka qaatay maalgalintii xornimadoonkii. Muddo ayuu ahaa Guddoomiyaha SNM ee waddanka Sucudiga oo markaas ahayd meesha ugu muhiimsan ee maaliyaddu ka soo gasho SNM. Waqtiyadii kala-guurkii ee dalka lagu soo laabanayey ayuu fursad u helay inuu Ingiriiska geeyo qoyskiisa. Hase ahaatee wuxu doorbiday in uu isagu iskaga soo noqdo dalkiisii. Inkasta oo uu dhibaato badan oo dhaqaale iyo nolol adag kala kulmay waddanka hadana wuxu doorbiday inuu ka qaybqaato dibu-dhiskii dalka. Macallin Sare ayuu ka noqday Jaamicadda Hargeisa oo uu in badan madax ka ahaa kuliyadda dhaqaalaha (Dean). Aad ayey ardaydu u jeclaayeen. Isaguna macallinimada ayuu aad ugu fiicnaa.

Waxa iyana sheegis mudan inuu Cumar Yusuf Buux ka mid ahaa guddidii dhexe ee aasaastay xisbiga Kulmiye oo uu weli ka mid ahaa. Wuxu ahaa qof mabda’ leh oo aan marnaba laga leexin karin waxa ay rag isku og yihiin. Labadii hoggaamiye ee Xisbiga Kulmiye labadaba aqoon dheer ayey isku lahaayeen. Madxaweyne Muuse Biixi saaxiib dhaw ayey ahaayeen. Waxay ahayeen rag isku fac ah oo dugsiga sare mar ka wada baxay.

Intan danbe wuxuu ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe oo uu farsamo-yaqaan ka ahaa, Guddoomiyayaal badan oo uu uga aqoon badnaa arrimaha baanka ayuu la soo shaqeeyey hase ahaatee wuxu ahaa qof isku kalsoon oo garanaya oo aan ka xumayn in madax loo noqdo isaga oo qaddarinaya mansabka siyaasadeed iyo waaqica jira. Wuxu ahaa oo aan ku tilmaami karaa wax Ingiriisida lagu yidhaa “well rounded personality” oo aan ku macnayn karo qof u leh aqoon waxyaabo badan. Wuxu lahaa aqoon diimeed oo sare, luqadaha Carabiga, Ingiriisida iyo Soomaaliga intaba aad ayuu ugu fiicnaa. Waayo-aragnimo badan ayuu laha oo ah tu bulshonimo, xirfadeed iyo taclimeed intaba. Mase ahayn i-arkaay i-maqlaay. Miskiinimo ay keento aqoonta sare ayuu lahaa oo aan cidna iska weynayn. Xadiis baa jira odhanaya: “Almuslimu man salama almuslimiin min lisaanih wa yadih” oo ah muslinka dhabta ahi waa ka ay ka nabad galaan muslimiinta kale carrabkiisa iyo gacantiisa. Tilmaantaas ayuu lahaa Cumar oo Walaahi ah. Waa ninka aanad arkayn isaga oo bani-aadmi ku raagaya. Muu ahayn nin jecel adduunyo urursi umana malaynayo inuu ka tagay adduun buuran. Wuxu ka tagay, carruurta waaweyn ka sokow, mataano yaryar oo dhawaan u dhashay. Kuwaas ayaa u baahan in la xasuusto maadaama aanu qarankeenu lahayn hab xuquuqeed oo loogu abaalgudo shaqaalaha sida Cumar oo kale ah ee inta badan naftoodu ugu huray danta guud. Qaranku carruurtaas ha xasuusto!

Waxaan ka tacsidaynayaa qoyskii iyo ehelkiisii iyo weliba rag badan oo ay saaxiibo kaftan iyo barjo-wadaag ahaayeen muddo dheer oo garabka isku ahayeen (shoulder to shoulder) muddo gaadhaysa 20 sanno. Wuxu intan danbe, cibaadada Ilaahay ka sokow, jeclaa inuu daawado kubadda cagta oo uu tafoose weyn ka ahaa qaar ka mid ah naadiyada kubadda cagta ee Ingiriiska. Ragga ay maalin kasta kubadda wada daawan jireen ee ay kaftan wadaagga ahaayeen waxa ka mid ah Ismaaciil Idiris, Prof Ahmed Ismaciil Gooni, Fu,ad Badh-ingiriis, Cadduur, Cabdilaahi Suudi, Cumar Qiyaas, Daa,uud Khayre iyo rag badan oo kale.

Ugu danbayn, ehel iyo asxaab ahaan waxaanu jeclayn in marxuumka loo aaso heer la maqaam ah oo ay xukuumaddu aad uga muuqato. Madaxweynaha la garay oo hawlo badan oo qaran ayuu hayaa mana iman karo aas kasta ee waxaan la yaabay madaxdii kale ee uu ugu horreyo wasiirkii gobolka ka wakiilka ahaa MEE? Wasiirkan ha loogu dhaarto inuu wasiir u yahay gobolka oo dhan. Inuu soo horkaco oo aaska ka soo qayb kale ayaa habbonayd, isaga iyo madax kale oo badan. Intii isa soo xilqaantay mahad iyo sharaf ayey mutaysteen. Iminka iyo haatan, ha loo gundato sidii agoontii uu ka tagay wax loo tari lahaa.

LIX HAL OO U WADA GAAR AHAA GUCANAYAA MOOYI.

He will be missed!

Allah ha u naxariisto CUMAR YUSUF BUUX.

Waxa Qoray Aqoonyahan Cabdulkariim Xasan Caalin Oo Ay Saaxiib Dhaw Ahaayeen Marxuum Cumar Aw Yuusuf Buux (Cumar Gows”.

 

 

 

COMMENTS
LINKS