|
|||||
WAJAALE NEWS
“Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Ma Waxaa Loo Magacaabay Aflagaadada Iyo Cayda Barkhad Batuun, Mise Fahan La,aan Siyaasadeed Ayaa Haysata?
May 20, 2021 - Written by Editor:“Ninkani Ma Waxaanu Fahmin Mabaadii’da Xisbiyada Oo ah Siyaasad, Isdhexgal, la Dagaalanka Takoorka, Iyo Dumuqraadiyad. Mise Waa Qof Cacas u Dhashay Oo Hadalku Ka Dhaco”Maxamed Aadan Tarabi. HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka Xisbi xaakimka kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa tan Iyo mudadii loo magacaabay Xilka Afhayeenka xisbiga wuxuu Marwalba heegan uyahay Ujawaabida Afhayeenka xisbiga Wadani ahna musharax utaagan doorashada golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex Barkhad Jaamac Batuun kaasi oo hadii Xataa aragtidiisa Uu ku qoro faceboookga uu islamarkaaba ka jawaabo cabdinaasir Buuni, isagoo marwalba ugu jawaaba hadalo afgalaado iyo deel qaaf ah ilaa markii layskugu keenay dooda oo uu xataa si toos ah uweeraray haybtiisa iyo sharaftiisa. Hadaba Afhayeen Cabdinaasir Buuni oo hada maraya in uu xataa waxka sheego beesha uu kazoo jeedo Barkhad jaamac batuun oo uu yidhaahdo dalka Madagaan Ayaa Bulshada reer Somaliland ku noqotay mid fajiciso iyo amakaag Ah waxa keenay in afhayeen Buuni uu shaqadii uu uhayay xisbi xaakimka Kulmiye aad moodo in ay tahay ka difaacida hadalka barkhad iyo caydiisa taasi oo keentay in bulshadu iswaydiiso Habdhaqanka siyaasadeed ee afhayeen cabdinaasir Ma mid uu Madaxwaynuhu Raali ka Yahaybaa? Mise waxaa afhayeen Cabdinaasir ka khaldan Dantay masuuliyadii xilka uu uhayo xisbiga kulmiye? mise jahowareer iyo fahan la,aan siyaasadeed ayaa ku habsatay oo wuxu garan laaya,ay shaqadii uu xisbiga uqaabilsanaa? Baraha ay ku kulanto bulshadu ee facebooga ayaa siwayn loogu naqdiyay hadalka afhayeen buuni oo ay qaar ku tilaameen in aanu fahmin siyaasadu in ay tahay isdhexgal aan laysku faquuqin midkamid ah dadka waxka qoray hadal afhayeenka kumiye ku weeraray barkhad batuun ayaa udhignayd sidan; “Ninkani Ma waxaanu fahmin Mabaadii’da xisbiyada oo ah Siyaasad, isdhexgal, la dagaalanka takoorka, iyo dumuqraadiyad. Mise waa qof nacas u dhashay oo hadalku ka dhaco. Miyaanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye dhagaysan habeen hore markuu lahaa “ Tv-yadii waxa loo nacay dad caytamaya oo sawirkii Somaliland ka xumeeyey” Muuse Biixi hadduu run sheegayo qofkan Afhayeenka ha ka la noqdo. Barkhad Jaamac Xirsi argagaxiso laguma eedeyn, nin dadka caayana maaha, mana aha calooshii u shaqayste.”Maxamed Aadan Tarabi. Marka aynu dib ugu noqono taariikhda afhayeen buuni iyo sifihii xilka loogu magacaabay oo ahayd kadib markii isagoo isxilqaamay uu ujawaabay siyaasi Maxamuud Xaashi oo dhaliilay madaxwayne biixi taasi oo ahayd waxqabad ugu wayn ee uu ku helay xilka afhayeennimo, ayuunbuu hadana isleeyahay barkhadna ka difaac xukuumada gar iyo gardaro waa in taasi oo uu kuu gooyaa xil dawladeede. Inkasta oo uu ficiladiisu dhaawac iyo samcad xumo usoo jiideen xisbiga kulmiye oo ah xisbi looga bartay siyaasad hufan oo bulshada reer Somaliland aan kala faquuqin, Afhayeenka xisbiga kulmiye Cabdinaasir buuni ayaa umuuqda siyaasi ku jaho wareeray hanaanka uu ushaqeeyo xisbiga kulmiye oo isagu ah xisbi wajiyo badan leh kaasi oo xiligan uu marayo in uu marwalba aflagaado iyo dhaleecay la dabo joogo dhigiisa xisbiga wadani barkhad batuun oo isagu ah siyaasi da,yar oo saaxada siyaasada Somaliland siwayn uga dhex muuqda islamarkaana taageero balaadhan ka haysta shacabka Somaliland Dhanka kale hadalada uu caadaystay in uu Afhayeen buuni ku weeraro barkhad batuun ayaa xiligan noqday kuwo uu beesha uu kazoo jeedo oo ah beel dhinaca siyaasada Somaliland qaangaadh ka ah ismarkaana ah beelaha dhinaca aqoonta ugu horeeya Somaliland uu marwalba usoo jiidayo dhaqano aan looga baran iyo godob siyaasadeed oo bilaa ujeedo ah wallow ka dadka ka agdhow cabdinaasir buuni ay sheegeen in uu guul iyo dadaal uu gaadhay uhayso cayda barkhad iyo siyaasiyiinta islamarkaana uu xil wasiirnimo kaga naawilayo madaxwayne biixi. Halkan ka Akhri Qoraalkii Ugu Danbeeyay ee Afhayeenka xisbiga kulmiye Cabdinaasir buuni ku weeraro musharax barkhad jamaac batuun. Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa yidhi:- “Xisbiga Wadani wuxu soo sharaxay nin aan cod ku haysan Gobolka Maroodi jeex oo ah Barkhad Batuun reerkiisu ma degaan Somaliland, Suldaan Naasirna waa kaase, hadaba xisbiyada mucaaridku waxay khalad sameyeen ayaanay xukuumada iyo xisbiga kulmiye ku Eedayn” Ayuu yidhi afhayeen Buuni. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE. Related posts:“5Aad Waxaan Leeyahay Waalaydiin Ogyahay Taariikhda In Aad Halganka Ku Bilowdeen Afraad, Iyadoon SNM... Wakiilka Ganacsatada iyo Maalgashadayaasha China Ee Reer Somaliland Oo Hanbalyo U Diray Madaxweynaha... Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Wafti Uu Hogaamiyo Oo Kormeer Ku Tagay Goobaha Diwaangalinta Ee Gobo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|