|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Kulan la Yeeshay Musharixiinta Xisbiga Kulmiye Uga Sharaxan Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Wakiilada + Waxa Uu Daarnaa!
April 23, 2021 - Written by Editor:Wasiir Cabdiwali Oo Markii Ugu Horaysay Kulan la Qaatay Musharixiinta Xisbiga Kulmiye Uga Sharaxan Deegaanka Gabiley Iyo Wakiilada + Danaha Uu Ka lahaa!! GABILEY(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknolajiyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane##Dr CabdiWali Sheekh Claahi Suufi Jibriil Ayaa caawa huteelka Galoolay ee magaalada Gabiley Casho Afur ah ugu sameeyay musharixiinta xisbiga kulmiye uga sharaxan golaha deegaanka degmada Gabiley iyo musharixiinta golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex.
Kulankan Cashada ah Ee wasiirka isgaaadhsiinta Somaliland la yeeshay musharixiinta xisbiga kulmiye ee deeganka gabiley iyo wakiilada ayaa daarnaa is xog waraysi iyo sidii ay udardar galin lahaayeen ololaha doorashada oo fooda inagu soo haya.
Sidoo kale xogaha Laga helayo ujeedada kulanka wasiirka isgaadhsiinta isagu yeedhay musharixiinta xisbi xakimka kulmiye ee deegaanka gabiley iyo wakiilada ayaa sheegaya in wasiirku usoo jeediyay musharixiinta in ay yeesheen wada shaqayn kuna dadaalaan sidii u xisbigu ugu guulaysan lahaa kuraasida ugu badan ee golaha deegaanka gabiley taasi oo ah siyaasada xisbiga kulmiye uqorsheeyay gobolada galbeedka in uu ku guulaysto kuraasida ugu badan. Dhanka kale qaarkamid ah musharixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiilada ayaa soo jeediyay in xukuumada talada haysta looga baahan yahay sidii ay taageero dhaqaale ugu barbar istaagi lahayd musharixiinta taasi oo saldhig unoqonaysa guusha uu xisbigu rajaynayo in uu guul ka kazoo hoyyo doorashada xili gobolka gabiley ay xisbiyada mucaaridku awood badan ku leeyihiin kuwaasi oo ay ka sharaxan yihiin musharixiinta saamayn ku leh guud ahaan gobolka oo laga cabsi qabo in xisbiga kulmiye ay kaga guulaystaan kuraasi badan.
Kulankan ayaa dhanka kale noqonaya kii ugu horeeyay ee wasiirka isgaadhsiinta Dr Cabdiwali la yeesho musharixiinta xisbiga kulmiye ee deegaanka gabiley iyo wakiilada oo ah gobolka uu wasiirka uyahay ee uu ku matalo xukuumada madaxwayne biixi isagoo wasiir cabdiwali lagu dhaliilo in aanay siyaasadiisu wada gaadhin gobolka oo uu kaga mashquulay taageero uraadinta musharixiinta xisbiga ka sharaxan ee jufadiisa hoose kuwaasi oo mudadii ay socotay soo xulista musharixiintu siwayn loogu dhaliilayay in dhaqaalihii xukuumada uu uga faa,iideeyay musharixiinta beeshiisa oo warbaahinta lagu arkayay iyagoo booyado biyaha uqaybinaya deegaanada ay ka degto beesha uu kazoo jeedo, balse bulshada ku dhaqan gobolka gabiley oo ay abaaruhu sameeyeen aanu hal maalin lagu arkin isagoo caawimo gaadhsiinayay. WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|