Wasaaradda Ganacsiga, Oo fulisay Olole Ay Ku dabo Gelayso Dhaqangalka Wareegto Uu Wasiirku Ku Xadiday Qiimaha Shidaalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Ganacsiga, Oo fulisay Olole Ay Ku dabo Gelayso Dhaqangalka Wareegto Uu Wasiirku Ku Xadiday Qiimaha Shidaalka.
April 1, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta bilowday olole lagu dabo galayo qiimaha shidaalka oo dhowaan Wasiirka Wasaaraddu uu wareegto kasoo saaray qiimaha lagu iibinayo  shidaalka kadib markii kalfadhigii 72aad ee Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo qabsoomay 18/03/2021 lagu go’aamiyey in Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) uu xal ka keeno qiimaha korodhka shidaalka, hadaba isaga oo Wasiirku ka duulaya taas waxa uu wareegto lagu xadidayo qiimaha shidaalka soo saaray 28/03/2021, sidaa darteed Wasaaraddu iyadoo hubinaysa dhaqan galka wareegtadaas  waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddu faray kooxaha Wasaaradda u qaabilsan dabo galka  Liisamadda, Qiimaha Maceeshada iyo Shidaalku inay saaka ka bilaabaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaana Caasimada Hargeysa Olole ku saabsan hubinta ku dhaqanka wareegtadii Wasiirka ee lagu xadiday qiimaha shidaalka isagoona kula dardaarmay in ay si xilkasnimo leh u gud taan shaqadaas.

Waxaana hormuud u ahaa kooxda dabo galka samaynaysay isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodi jeex, hawl galkan lagu dabo gelayey qiimaha shidaalka ayaa waxa maanta laga fuliyey dhamaanba Degmooyinka Caasimada Hargeysa kuwaas oo ay shaqaaluhu kala kulmeen Kaalmihii shidaalka ee ay kormeereen inay badan koodu sidii loogu talo galay u fuliyeen qiimihii Wasaaraddu u jartay halka tiro aad u kooban oo qiimahaas ka sareeyeyna isla markii lala kulmay amar lagu siiyey inay fuliyaan wareegtadaas sidoo kalena looga digay in aanay dhaafiyaan qiimaha loo ogol yahay mudada loogu talo galay in ay wareegtadani shaqayso.

Wasaaradda waxaa ka go’an in ay markasta ka jawaabto baahiyaha muwaadiniinta ay u adeegto islamarkaana ay si dhexa isugu dheeli tirto Ganacsatadda iyo Muwaaadiniinta kale ee wax ka  iibsada, waxaana Wasaaraddu sii wadi doontaa dabagalkan oo si joogto ah u socon doona iyadoona talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Ganacsatada u hogaan sami weyda amaradda laysugu dheeli tirayo Ganacsadaha iyo muwaadiniinta ka adeegta.

Ugu dambayntiina, waxa kooxda daba galku ku guulaysteen inay soo hubiyaan dhamaan ba qiimaha ay shidaalka ku iibinayaan kalmaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa ku yaala, iyagoona sixid ku sameeyey tiradii yarayd ee dhaaftay qiimihii loo jaray.

COMMENTS
LINKS