Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Shacabka Reer Jabuuti Oo Maalinta Bari Ah Udareeraya Codaynta Doorashada Madaxwaynaha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Shacabka Reer Jabuuti Oo Maalinta Bari Ah Udareeraya Codaynta Doorashada Madaxwaynaha!
April 8, 2021 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Dalka jabuuti ayaa maalinta bari ah looga dareerayaa codaynta doorashada madaxwaynaha jabuuti oo uu markii shanaad usharaxan yahay madaxwayne ismaaciil cumar geele iyo musharax kale oo madaxbanaan taasi oo aanay gabi ahaanba ka qaybgalay mucaaridka dalka jabuti.

Ololaha doorashada madaxwaynaha ayaa labadii todobaad ee udanbeeyay ka socotay dalka jabuuti taasi oo uu ku kaliyaystay madaxwayne geele iyo fanaaniinta gayiga somalida oo heeso amaana uqaadayay madaxwayne geele.

Sidoo kale doorashada dalka jabuuti ee madaxwaynaha ayaa lafilayaa in ay maalinta bari ah si habsami ah uga dhacdo guud ahaan dalka jabuuti iyadoo aad loo adkeeyay abniga goobaha codbixinta

HALKAN KAGA BOGO WARARKII UGU DANBEEYAY EE DOORASHADA DALKA JABUUTI;

COMMENTS
LINKS