|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waa In Xisbiga kulmiye Hantaa Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Iyo Maayarada Dhamaan”Gudomiye Xinif.
April 25, 2021 - Written by Editor:“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Kuxigeenaduba Waa In Ay Noqdaan Gobolada Bariga, Madaxwaynaha Iyo Madaxwayne Kuxigeenkuba Waa Reer Galbeede”Gudomiye Xinif, BURCO(W,N)-Gudoomiyaha haayada qaxoontiga Iyo Barakacayaasha qaranka Cabdikariim Maxamed Axmed(Xinif) oo kamid ah xubnaha fulinta ee xisbiga xaakimka kulmiye oo caawa khudbad ka jeediyay madal xisbiga kulmiye ku casuumay musharixinta xisbiga uga sharaxan golaha wakiilada iyo deegaanka ee gobolada togdheer,sool iyo sanaag ayaa musharxiinta kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa shirgudoonka golaha wakiilada iyo kuxigeenadiisa iyo dhamaan maayarada dalka. Sidoo kale gudoomiye xinif ayaa xusay sida ay muhiim utahay in gobolada bari ay ku guulaystaan shir gudoonka golaha wakiilada iyo kuxigeenadiisa sida madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenkuba ay uga soo jeedaan gobolada galbeedka HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Daawo:Wasiir Xirsi oo sheegay lacagta Qurbe-jooga OO DHami Ku Darsadeen Wadada Ceerigaabo Inay Ka Ba... DAAWO; Hordhaca Wareysi La Layeeshay Faysal Cali Waraabe Oo Uu Si Qaawan Ugu Weeraray Jamaal Cali... Haayada Sirdoonka Qaranka Jsl Oo Gacanta Ku Dhigtay Laba Nin Oo Katirsan Sirdoonka Somaliya Ee Nisa! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|